Abdirisaq Khaliif Hambalyo iyo Bogaadin sound effects free download
2 Downloads
2 days ago
0 seconds
darwiishhalgamay Sound Effects
About Abdirisaq Khaliif Hambalyo iyo Bogaadin Mp3 Sound Effect
Abdirisaq Khaliif Hambalyo iyo Bogaadin Waxa aan hambalyo u dirayaa Madaxda cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaali Madaxweyne Mudane Cabdilqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Waxaan Rabbi uga baryayaa in uu Ilaahay u fududeeyo xilka iyo mas’uuliyadda culus. Waxaa kale oo aan u mahad celinayaa xubnaha baarlamaanka maamul goboleedka Waqooyi Bari, ciidamada amaanka iyo guddiga abaabulay doorashada oo hawl weyn u qabtay bulshada. Hawl wadeenadaan oo todobaadyo u soo jeeday hawl qaro weyn oo mudan in lagu bogaadiyo. Intii lagu guda jiray habsami u socodka doorashada, in kasta oo ay dhaceen khaladaad farsamo loogu awood sheeganayay Guddiyada iyo Xildhibaanada wakiilka ka ah bulshada oo wax u dhimay hufnaanta doorashada, abuurayna kala qaybsanaan, haddana anniga oo qiimaynaya duruufta dadkayga iyo wadajirka ummadda, waxaan bogaadinayaa natiijada laga gaaray doorashada iyo dowlad-dhiska. Waxaa mudnaanta koowaad leh geeddi-socodka dowladnimada, waxaan ugu baaqayaa hogaanka cusub in uu abuuro jawi degan oo bulshada isu soo dhoweeya. Markasta midnimo iyo wada jir ayaa ina deeqda, waxaana noo ballan ah horay u socod wanaagsan iyo wadashaqayn ayaa noo ballan ah dhammaanteen.Abdirisaq Khaliif Hambalyo Iyo Bogaadin Sound Effects Free Download. Sound Effects Downloader To Help You Download The Highest Quality Abdirisaq Khaliif Hambalyo Iyo Bogaadin Sound Effects Free Download For TikTok Videos. You Just Search Sound Effects And Download.